Zidane oo ka hadlay guuldaradii weyneyd ay kala kulmeen Atletico Madrid, kaddib kulan saaxiibtinimo ay wada ciyaareen

0
70

(Madrid) 27 Luulyo 2019. Macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa noqday mid tooshka lagu ifinayo, kaddib guuldaradii weyneyn ee maanta xiliga diiq yeerka ay kala kulmeen Atletico Madrid.

Kooxda Atletico Madrid ayaa guul weyn ka gaartay dhigeeda Real Madrid, kaddib markii ay ku garaacday 7-3, kulan saaxiibtimo ee ka tirsanaa International Champions Cup.

Ciyaarta kaddib Zinedine Zidane ayaa bilaabay inuu weerar ku qaado qaab ciyaareedkii ay sameeyeen xiddigaha kooxda uu maamulo ee Real Madrid wuxuuna yiri:

“Waxa dhacay ayaa ahaa in ciyaarta aan ku soo galnay si xun ee aan wanaagsaneyn, waxaan la kulanay 2 gool 8-dii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta, mana jirin wax falcelin ee dhankeena ah si aan wax kaga badalno ciyaarta”.

“Waxaan weynay wax walba inta ciyaarta socotay gaar ahaan awooda, waxay dhaliyeen 7 gool, mana aheyn inaan u ogolaano, ciyaartoyda wey ka war qabaan waxa dhacday weyna ka niyadjabsan yihiin, waa ciyaar is diyaarin ah, Atletico Madrid waxay ka fiicnaayeen dhinac kasta”.

“Waxaan isku diyaarineynaa xilli ciyaareedkeena cusub waana inaan dareenaa deganaan, waxaan heysanaa ilaa iyo 17-ka August, si aan isigu diyaarino kulankeena ugu horeeya ee horyaalka”.

“Waxaan heysanaa dhiiro gelin, wax shaki ah kama qabo arrintaas, xilli ciyaareedkeena wuu fiicnaan doonaa waana ku qanacsanahay taas” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here