Xog: Al-Shabaab oo u digay shaqaalaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

0
154

Muqdisho (Hilaac News) – Qaar kamid ah Shaqaalaha Shirkadda qaadatay qandaraaska dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegay in ay wajahayaan hanjabaad joogta oo uga imaaneysa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Shaqaalaha qaarkood oo la hadlay Hilaac News ayaa sheegay in ay soo waceen Numbero isku mid ah islamarkaana ay ku wargeliyeen in ay ka haraan shaqada ay haayaan ama ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

Sidoo kale Shaqaalahaan ayaa halkii ay ka shaqeynayeen loogu daadiyay warqado ay ku qorantahay in ay joojiyaan Shaqada Shirkadda iyo dhismaha wadadaasi hadii kale ay talaabo adag ka qaadi doonaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee gobalka Banaadir.

“Dhamaanteen waxaa nagala soo wacay 2 Number oo isku mid ah waxaana qof walba loo sheegay in loogu nasteexaynayo in uu shaqada joojiyo ama uu ciqaab adag la kulmi doono” ayuu yiri qof katirsan Shaqaalaha Shirkadaas.

“Waxaan garan waayay waxa bixiyay Numbaradeenna, sidoo kale hadal isku mid ah ayaa nala dhahay” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay.

Sidoo kale Maamulka Shirkadda iyo Saraakiisha amaanka ee qaabilsan ilaalada shaqaalaha iyo fulinta Mashruucaan ayaa Shaqaalaha la wadaagay xog ah in ay ka feejignaadaan Qatar kasta oo ka imaan karta Al-Shabaab islamarkaana ay jirto cabsi iyo hanjabaad ay la kulantay Shirkadda.

Qof walba oo shaqadaan qayb ka ah waxay ku baraarugsantahay in ay ku jirto howl adag oo halis ah islamarkaana ay marti u yihiin weeraro iyo dilal gaadma ah laakiin waxay noo sheegeen in ay ku dedaalayaan sidii ay u taxadari lahaayeen.

Hilaac News
Xafiiska Muqdisho
Admin@hilaacnews.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here