Xiddigaha Man City ee wajahaya Liverpool koobka Community Shield oo lagu dhawaaqay, xilli Macallin Pep Guardiola iyo Wiilashiisu ay u safreen London… + SAWIRRO

0
54

(Manchester) 03 Agoosto 2019. Macallin Pep Guardiola iyo wiilasha kooxdiisa ayaa u saftay magaalada London halkaasoo ay ku soo ciyaarayaan koobka Community Shield, waxaana hadda la shaaciyey liiska xiddigaha Man City ee wajihi doona kooxda Liverpool kuwaasoo ka kooban 21 ciyaaryahan.

Kulanka Community Shield ayaa waxa uu Axadda ku dhex mari doonaa kooxaha Manchester City iyo Liverpool garoonka Wembley ee ku yaala caasimadda magaalada London.

Macallin Pep iyo wiilashiisa Man City ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay ka ambabaxeen xarunta tareenka ee xarunta tareenka Manchester Piccadilly, laakiin warbaahinta ayaa sawiro ka soo qaaday oo aragtay inay xiddigo ka maqan yihiin safka Manchester City.

Kooxda Man City xiddigaha ka maqnaa oo laga waayey safka naadiga waxaa ka mid ah Aymeric Laporte, Fernandinho iyo Danilo, waxaa laga war hayaa in Laporte iyo Fernandinho ay dhaawacan yihiin, halka Danilo oo isna ka maqnaa safka la la xiriirinayo kooxda kubadda cagta Juventus.

Sergio Aguero, Kevin de Bruyne iyo saxiixa cusub ee kooxda Manchester City, Rodri ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda uu kaxaystay Macallin Pep Guardiola oo doonaya inuu koobka ka qaato Klopp iyo wiilashiisa.

Rodri ayaa la filayaa inuu dheelo kulanka Axadda oo uu buuxiyo booska uu dhaawaca uga maqan yahay ciyaaryahanka reer Brazil ee Fernandinho.

Kooxda ku guuleystay horyaalka Premier League ee Manchester City iyo kooxda haysata Champions League ayaa garoonka Wembley ku wada ciyaari doona koobka lagu daah furo xilli ciyaareedka cusub ee FA Community Shield.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Manchester City ee u safray magaalada London, kuwaasoo wajahaya Liverpool:-

Goolhayeyaasha: Ederson, Claudio Bravo, Daniel Grimshaw.

Difaacyada: John Stones, Kyle Walker, Nicolas Otamendi, Oleks Zinchenko, Taylor Harwood-Bellis, Angelino, Eric Garcia.

Khadka dhexe: Ilkay Gundogan, Phil Foden, Rodri, Kevin de Bruyne, David Silva, Bernardo Silva.

Weeraryahannada: Leroy Sane, Raheem Sterling, Gabriel Jesus, Riyad Mahrez, Sergio Aguero.

SAWIRRO:

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here