Xiddiga ugu wanaagsan, Macallinka, Kooxda ugu fiican, goolka ugu quruxda badan, Shaxda ugu wanaagsan & Guud ahaan abaal-marinnadii la bixiyey ee Serie A 2018/19

0
36

(Milan) 03 Dis 2019. Waxaa xalay la bixiyey abaal-marinnada kala duwan ee horyaalka Serie A kal ciyaareedkii hore ee 2018/19, waxaana ka mid ah ciyaaryahanka ugu wanaagsan, macallinka ugu fiican, kooxda ugu wanaagsan, goolka ugu quruxda badan, shaxda 11-ka laacib ee ugu fiicnaa iyo kuwo kale.

Guuleystayaasha ayaa looga dhawaaqay xalay xaflad lagu qabtay Magaalada Milan gaar ahaan Gran Gala del Calcio, kooxaha Atalanta iyo Juventus ayaana abaal-marinnada ugu badan ka helay xafladdaan lagu abaal-marinayey shaqsiyaadka sameeyey bandhigyaddii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Cristiano Ronaldo ayaa gurigiisa u qaatay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa horyaalka Serie A kal ciyaareedkii hore, kaddib markii uu Juve kula guuleystay horyaalkoodii siddeedaad ee Scudetti oo xiriir ah, isla markaana uu dhaliyey 21 gool horyaalka Serie A.

Si kastaba ha ahaatee, Atalanta ayaan kaliya loo magacaabin kooxda ugu wanaagsanayd, laakiin sidoo kale waxa ay labo ciyaaryahan ku yeesheen shaxda 11-ka laacib ee ugu fiicnayd waana Josip Ilicic iyo Duvan Zapata.

Dhinaca kale laacibka khadka dhexe ee Brescia, Sandro Tonali ayaa sidoo kale loo magacaabay da’yarka ugu wanaagsanaa Serie B xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee Serie B’s Best Young Player.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida loo kala helay abaal-marinnada Serie A 2018/19:-

Ciyaaryahanka ugu wanaagsan: Cristiano Ronaldo (Juventus)

Tababaraha ugu wanaagsan: Gian Piero Gasperini (Atalanta)

Garsooraha ugu wanaagsan: Gianluca Rocchi

Goolka ugu quruxda badnaa: Fabio Quagliarella (Sampdoria vs Napoli)

Kooxda ugu wanaagsan: Atalanta

Shaxda 11-ka laacib ee ugu wanaagsan Ragga: Handanovic (Inter); Kolarov (Roma), Chiellini (Juventus), Koulibaly (Napoli), Cancelo (Juventus*); Pjanic (Juventus), Ilicic (Atalanta), Barella (Cagliari*); Quagliarella (Sampdoria), Ronaldo (Juventus), Zapata (Atalanta).

Da’yarka ugu wanaagsan Serie B ee Serie B Best Young Player: Sandro Tonali (Brescia)

Goolka ugu quruxda badnaa dhanka dumarka: Thaisa (Milan vs Juventus)

Xiddigta ugu wanaagsan dhanka dumarka: Manuela Giugliano (Milan)

Shaxda 11-ka laacib ee ugu wanaagsan Dumarka: Laura Giuliani (Milan); Alia Guagni (Fiorentina), Sara Gama (Juventus), Cecilia Salvai (Juventus), Elisa Bartoli (Roma); Aurora Galli (Juventus), Manuela Giugliano (Roma), Valentina Cernoia (Juventus); Valentina Giacinti (Milan), Ilaria Mauro (Fiorentina), Barbara Bonansea (Juventus).

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here