Willian oo la hadlay kooxaha daneenaya adeegiisa oo ay ka mid tahay Barcelona

0
39

(London) 29 Nof 2019. Xiddiga reer Brazil ee Willian ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kooxdiisa Chelsea, isla markaana uu u doonayo inuu sii joogo garoonka Stamford Bridge.

Dhinaca kale Willian ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inuusan wax damac ah kaga jirin inuu la hadlo kooxaha kale suuqa furmi doono bisha Janaayo ee soo aadan.

Laakiin mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ayaa u muuqda midaan cadeyn, maadaama heshiiska uu ku joogo garoonka Stamford Bridge uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka, maamulka kooxda ayaana wali u soo bandhigin qandaraas cusub.

Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha daneynaya adeega xiddiga khadka dhexe reer Brazil ee Willian, maadaama ay doonayaan inay ku xoojistaan safka kooxda, maamulka Blaugrana ayaa dalab gaarsiisan 50 milyan ginni ka soo gudbiyay laacibkan suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, balse saraakiisha Blues ayaa iska diiday dalabkan.

Willian ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Ma doonayo inaan khadka taleefanka kula hadlo kooxo kale, maxaa yeelay waxaan heystaa qandaraas ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka ah, waxaan ahay ciyaaryahan Chelsea ah, laakiin kooxda ayaa og waxa aan doonayo inaan sameeyo”.

Xiddiga reer Brazil oo todobaadkii mushahar ahaan kaga qaata 120 kun ginni kooxda Blues, ayaa wuxuu intaas hadalkiisa sii raaciyay:

“Runtii, waan ku faraxsanahay halkaan, waan ku faraxsanahay inaan matalo kooxdan, laakiin in la xaliyo xaaladan maahan wax gacmahayga ku jira, waxaanan sugayaa iyaga”.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here