Weeraryahanka Manchester United ee Romelu Lukaku oo tababar la qaatay koox kale

0
88

(Manchester) 05 Agoosto 2019. Waxay ahayd wax la yaab leh, markii xiddiga bartilmaameedka u ah Juventus iyo Inter Milan ee Romelu Lukaku uu ka soo muuqday tababarka kooxdiisii hore ee Anderlecht.

Lukaku ayaan u ciyaarin Man United intii lagu guda jiray kulamadii isu-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, waxaana uu gabi ahaan ka maqnaa labadii kulan ee ugu dambeeyey ee saaxiibtinnimo oo ay kooxdiisu la ciyaartay Kristiansund iyo AC Milan.

Dhinaca kale waxaa jiray warar sheegaya in weeraryahankan uu ka soo kabsanayey dhaawac uu la maqnaa, laakiin sida uu leeyahay warsidaha Het Laaste Nieuws, waxaa maanta lagu arkay tababarka kooxda Anderlecht.

26-sano jirkaan ayaa xirfaddiisa ka soo bilaabay kooxda reer Belgium ee Anderlecht, waxaana uu dhaliyey 41 gool 98 kulan oo uu ciyaaray ka hor inta uusan ka soo tagin oo uusan ku soo biirin kooxda Chelsea sanadkii 2011-kii.

Yeelkeede, waxa uu Wargeysku warbixintiisa intaa ku daray in Red Devils ay Lukaku ogolaansho u siisay inuu tababar la qaato kooxda reer Belgium, maadaama maanta oo Isniin ah ay saaxiibadiisa kooxda fasax ahaayeen.

Sida laga soo xigtay warsidaha Sportitalia, agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa xafiiska Man United ee magaalada London galabta kulan kula qaatay Wakiilka ciyaaryahan Lukaku ee Federico Pastorello.

Waxa ay haatan u muuqataa in Bianconeri ay u soo bandhigi doonto Man United dalab cusub kaddib markii Paulo Dybala uu isaga baxay heshiiskii isdhaafsiga isaga iyo Lukaku.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here