Weerar Lagu Dhaawacay 6 Askari Oo Ka Dhacay Waddanka Maraykanka

0
35

(HilaacNews- Philadelphia)-Magaalada Taariikhiga ah ee Philadelphia ee dalka Mareykanka, waxaa shaley galab ilaa xaley ka socdey toogasho iyo weerar dhex marey dabley hubaysan iyo ciidmada Booliiska.

Inta la xaqiijiyey 6 ka mid ah ciidamada booliiska ayaa la dhaawacay, waxaana dableydan ay wadeen muddo saacado ah weerarkan.

Booliiska ayaa si nabadgalyo ah dad shicib ah uga daad gureeyey goobaha dagaalku uu dhexmarayo dableyda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta la weeraray ay tahay meel mashquul badan, islamarkaana ay ku badan yihiin Arday.

Sanadkan 2019 ayaa waxaa la sheegay in dalka Mareykanka ay ka dhaceen ku dhowaad 5o weerar oo ay ku dhinteen dad u badan rayid aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here