“Waxaan xushmeyneynaa Paris Saint-Germain in badan” – Josep Maria Bartomeu

0
70

(Manchester) 28 Luulyo 2019. Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa ixtiraam buuxda u muujiyay Paris St Germain, isagoo diiday inuu ka hadlo suurtagalnimada uu dib ugu soo laaban karo Neymar Jr garoonka Camp Nou.

Xiddiga reer Brazil ayaa lala xiriirinayaa inuu ku soo laaban doono safka Barça inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga, kaddib mudo laba xili ciyaareed uu xirnaa maaliyada Paris St Germain.

Si kastaba ha noqotee, xiddiga reer Seleção ayaa xumaaday xiriirka kala dhexeeyay madaxda kooxda PSG, taasoo ka dhigtay in si weyn lala xiriirinayo inuu ka tagayo inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Waxaa la fahamsan yahay in Blaugrana aysan diidi doonin inuu dib ugu soo laabto 27 jirkan reer Brazil, balse ma doonayaan inay ku bixiyaan lacago badan, iyagoo qorsheenaya in heshiiska ay qeyb kaga dhigaan magacyada qaar ka mid ah ciyaartoyda ku sugan garoonka Camp Nou sida Ivan Rakitic iyo Samuel Umtiti.

Laakiin Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa ixtiraam buuxda u muujiyay Paris St Germain wuxuuna yiri:

“Waxaan wax badan aqriyay wargeysyada, waxayna sheegaan waxyaabo badan”.

“Waxa kaliya ee muuqda ayaa ah in Neymar Jr uu yahay ciyaaryahan Paris Saint-Germain ah, aad ayaana u xushmeyneynaa PSG” ayuu hadalkiisa ku soo xiray  Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here