“Waxaan awoodnaa ku guuleysiga koobab, hadii aan taasi wax shaki ah ka qabo xitaa 1%, waan ka tagi doonaa kooxda” – Ramos

0
44

(Madrid) 27 Luulyo 2019. Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa aad uga carooday guuldaradii taariikhiga aheyd ee Los Blanocos ka soo gaartay kooxda Atletico Madrid.

Kooxda Atletico Madrid ayaa guul weyn ka gaartay dhigeeda Real Madrid, kaddib markii ay ku garaacday 7-3, kulan saaxiibtimo ee ka tirsanaa International Champions Cup.

Wargeyska “Marca” ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay Sergio Ramos kaddib ciyaarta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Dareenku ma ahan mid wanaagsan, waxaan u xisaabinay inuu yahay kulan saaxiibtinimo, laakiin kulamadan oo kale waxaad ku gaari kartaa heerkaaga, waa natiijo aad u weyn waana ka careysanahay, waxaad u guuldareysan kartaa dhowr siyaabood laakiin ma ahan sidan oo kale”.

“Waxaan soo guuleysanay wax badan waana lasoo dhaafay, hada waa inaan ka bilaawnaa meel eber ah, waa inaan iska ilaawnaa xili ciyaareedkii tagay, waa inaan sameynaa qiimeyn, isla markaana aan sii wadnaa inaan qabano shaqo fiican”.

“Waxaan awoodnaa inaan ku guuleysano koobab, hadii aan taasi wax shaki ah ka qabo, xitaa 1%, waan ka tagi doonaa kooxda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here