“Waxaan ahay goolhaayaha koowaad ee kooxda Real Madrid” – Thibaut Courtois

0
59

(Madrid) 26 Luulyo 2019. Goolhaayaha reer Belgian ee Thibaut Courtois ayaa sheegay inuu yahay goolhayaha koowaad ee kooxda Real Madrid, isagoo sheegay inuu dareemayo awood ka badan sidii hore.

Real Madrid ayaa kala soo saxiixatay 27 jirkan reer Belguim kooxda reer London ee Chelsea xagaagii hore.

Hadaba Thibaut Courtois ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Fox Sports” wuxuu ku sheegay:

“Waxaan u maleynayaa inay hadda cadahay cidda noqoneysa goolhayaha koowaad ee kooxda Real Madrid, waxaana dareemayaa inaan ka awood badanahay sidii hore”.

“Waxaan sameeyay diyaar garow aad u fiican, si fiican ayaan u qaatay tababarka, waxaan dareemayaa inaan haatan fiicanahay, kaddib dhamaadka xili ciyaareedkii hore”.

“Waxaan dareemayaa inaan ku jiro xaalada ugu fiican, waxaana rajeynayaa inaan sidan ku sii socdo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here