Wasiir Cawad oo deg-deg ugu yeeray safiirka Soomaaliya ee dalka Cumaan

0
93

Muqdisho (Hilaac News) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee xuukumadda federaalka ayaa si deg deg ah ugu yeertay safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Cumaan, Mudane Cabdiweli Cali Axmed oo loo yaqaano (Jaylaani).

Wasiirka wasaaraddaasi, Axmed Ciise Cawad ayaa warqad uu soo saaray ku amray danjiraha inuu muddo afar cisho ah gudhood uu dib ugu soo laabto dalka.

Sidoo kale warqadaan ayaa lagu sheegay in u jeedadu ay tahay sidii wax looga weydiin lahaa  dacwado loo heysto Danjire Jeylaani oo ku aadan  khilaafka kala dhexeeya diblumaasiyiinta kale ee safaaradda Soomaalya ay ku leedahay dalka Cumaan.

“Hadaba waxaa si xushmad ku jirto lagaaga codsanayaa inaad dhowrto ujeedada sare ku xusan, kuna timaado waqtiga laguu tilmaamay gudihiisa” ayaa lagu yiri warqadda.

Ugu dambeyn qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in ku sime uu sii ahaan doono, Mudane Cumar Sheekh Maxmed oo ah lataliyah koowaad ee safaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here