War cusub oo ka soo kordhay dhaawaca Paul Pogba & Xilliga uu laacibku soo laaban lahaa oo isbedel uu ku yimid

0
39

(Manchester) 04 Nof 2019. Laacibka khadka dhexe ee kooxda Manchester United, Paul Pogba ayaa soo jeediyey inuu isbedel ku yimid wakhtigii uu garoomada ku soo laaban lahaa, waxaana uu sheegay ciyaaryahanku inuu dib u soo laaban karo ka hor dhammaadka bishaan November.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaan u safan Red Devils tan iyo markii uu dhaawac ka soo gaartay canqowga intii lagu guda jiray kulankii ay barbaro 1-1 la geleen Arsenal ee horyaalka Premier League dhammaadkii bishii September.

Pogba oo la hadlay FaceTime, isla markaana ay soo xigatay RMC Sport ayaa shaaca ka qaaday in canqowgiisa midig uu u baahan yahay 10-ka maalmood ee soo aaddan inuu si adag uga shaqeeyo, isla markaana uu haysto labo todobaad oo baxnaano ah si uu shaqada dib ugu bilaabo.

“Weli waxaan ku jiraa xaalad 10 maalmood ah, kaddib weli waxaan haystaa labo isbuuc oo baxnaano ah, ma sahlana in la arko anigoo asxaabteyda kooxda tababar la qaadanaya ama garoonka ku jira, laakiin waa inaan waqti ku qaataa sidii aan ugu soo laaban lahaa.” ayuu yiri laacibkan khadka dhexe.

Man United ayaa marti-gelinaysa kooxda Partizan kulan ka tirsan Europa League habeenka uu Jimcaha soo galayo ka hor inta aysan labadooda kulan ee ku xiga horyaalka Premier League la kala ciyaarin Brighton & Hove Albion iyo Sheffield United.

Kooxda macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaana bishaan ku soo gabagabayn doonta kulan ay u safrayaan Astana ee ka tirsan Europa League, ka hor inta aysan bisha December garoonkooda ku soo dhoweynin naadiga Aston Villa kulan ka tirsan horyaalka Premier League, kulankaasoo laga yaabo inuu yahay midka uu soo laaban doono Paul Pogba.

Xiddiga ku guuleystay Koobkii Adduunka 2018 ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu ka dhaqaaqi doono garoonka Old Trafford intii lagu guda jiray suuqii kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga, waxaa loo maleynayaa in kooxaha sida Real Madrid iyo Juventus ay weli xiisaynayaan inay la soo wareegaan.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here