Wakiil Mino Raiola oo shaaciyey kooxda uu siinayo Eerling Haaland… (Ma Barcelona mise Real Madrid?)

0
12

(Madrid) 04 Nof 2019. Wakiilka la yiraahdo Mino Raiola ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu siinayo oo uu ku biirayo Weeraryahanka halista badan ee la yiraahdo Eerling Haaland.

Sida uu warinayo Warsidaha Don Balon Wakiil Mino Raiola ayaa kooxda Barcelona kala xiriiray suurto-galnimada uu ugu dhaqaaqi karo Weeraryahanka Naadiga Salzburg ee Eerling Haaland.

Waxaa warbixinta lagu sheegay in Mino Raiola uu doonayo in Weeraryahanka Salzburg ee Eerling Haaland uu ku biiro Barcelona, halkii uu aadi lahaa Real Madrid.

19-sano jirkaan lagu qiimeeyo 65 milyan oo euro ayaa dhaliyey lix gool saddexdiisii kulan ee ugu horreeyey oo uu ka soo muuqday tartanka UEFA Champions League.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in Tababare Zinedine Zidane uu isaguna muujiyay xiisaha uu u qabo Haaland oo laga yaabo inuu u dhaqaaqo haddii Catalans ay iska dhaafto soo qaadashada xiddigan reer Norway.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here