Virgil van Dijk oo abaal-marin kale ku guuleystay isagoo noqday daafacii ugu horreeyey ee abaal-marintaas hanta!

0
33

(Yurub) 13 Nof 2019. Xiddiga kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa ku guuleystay abaal-marin kale, waxaana uu noqday daafacii ugu horreeyey ee abaal-marintan ku guuleysta.

Virgil van Dijk ayaa ku guuleysatay abaal-marinta Goal 50 ee sanadkan 2019 ee dhanka ragga, halka dhinaca dumarkana ay ku guuleysatay abaal-marintan Megan Rapinoe.

Daafaca dhexe ee reer Holland, Van Dijk ayaa abaal-marintan ku garaacay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo xiddiga ay Liverpool ka wada tirsan yihiin ee Mohamed Salah, waxaana uu sidaas ku noqday daafacii ugu horreeyey ee abaal-marintan Goal 50 hanta.

Van Dijk waxaa soo maray sanad uu inbadan xusuusan doono waxaana uu kooxdiisa Reds la qaaday Champions League, halka sidoo kale xulkiisa qaranka Netherlands uu bandhig cajiib ah la sameeyey, waxaana ciyaar qurux badan uu soo bandhigay final-kii tartanka Koobka Horyaallada Yurub oo ay Tottenham ku garaaceen 2-0 final-kii ka dhacay Magaalada Madrid.

“Anigu aad baan ugu faraxsanahay inaan lambarka koowaad ka noqday abaal-marinta Goal 50 ee 2019” ayuu Van Dijk u sheegay shabakadda abaal-marintan bixisa ee Goal.com.

Daafaca reer Holland ayaa hadalkiisa intaa raaciyey: “In laguu aqoonsado mid ka mid ah ciyaartoyda waa weyn ee kubadda cagta Adduunka aad ayay aniga mid gaar ah iigu tahay”.

28-sano jirkaan ayaa sidoo kale ka caawiyey Waddankiisa Holland inay gaaraan Final-kii Nations League, waxaana uu ku dhammaystay meel ka sarreysa Lionel Messi marka la eego abaal-marintan.

Xiddiga afarta goor ku guuleystay abaal-marinta Goal 50 ayaa qalbi jab ka qaaday xulkiisa qaranka Argentina, waxaana afar dhammaadkii Copa America ku garaacay Brazil.

Yeelkeede, Messi ayaa markale dunida ka yaabiyey kaddib qaab ciyaareedkii ilqabadka lahaa ee uu kal ciyaareedkii hore ku soo bandhigay kooxdiisa Barcelona, isagoo u dhaliyey 51 gool 50 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkii 2018-19, laakiin waxa uu tartanka abaal-marintan Goal 50 ee dhanka ragga kaga dhammaystay kaalinta labaad.

Dabacan 32-sano jirkaan waa uu ku guuldarreystay inuu Champions League dib ugu celiyo Catalunya, Barca ayaana guuldarro aan la filanayn kala kulantay Liverpool wareeggii afar dhammaadka tartankaas.

Mohamed Salah ayaa abaal-marintan Goal 50 ee sanadkan 2019 ka soo galay kaalinta saddexaad, waxa uu seegay kulankii taariikhiga ahaa ee lugta labaad oo ay Anfield soo laabashada ku sameysay kooxdiisa sababo dhaawac laakiin waxa uu dib u soo laabtay isla markaana dhaliyey goolka furintaanka ciyaarta Final-ka Champions League ee ka dhacay magaalada Madrid.

27 gool oo uu ka dhaliyey horyaalka ayaa sidoo kale Salah ka yeeshay inuu kabta dahabka ah ee gooldhalinta Premier League la wadaago weeraryahanka ay Reds ka wada tirsan yihiin ee Sadio Mane iyo dhaliyaha Kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Mane oo sidoo kale xulkiisa qaranka Senegal geeyey Final-kii Koobka qarammada Afrika inkastoo laga qaaday koobka, waxaana uu tartanka abaal-marintan Goal 50 uu ka galay kaalinta shanaad.

Cristiano Ronaldo ayaa ku dhammaystay abaal-marintan meel ka sarreysa Mane waa booska afaraad kaddib markii xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee kooxda Juventus ku guuleystay ciyaaryahanka sanadka ee Serie A.

Weeraryahankan halyeyga ah ayaa xulkiisa qaranka Portugal ka caawiyey inay ku guuleystaan Nations League, waxaana xulka lagu naanayso Seleccao ay Van Dijk iyo xulkiisa Netherlands ku garaaceen Final-ka.

Dhinaca kale dhanka dumarka haddii aynu eegno waxaa abaal-marinta ku guuleysatay gabadha la yiraahdo Megan Rapinoe kaasoo xulkeeda Mareykanka ku hoggaamisay Koobka Adduunka ee Dumarka.

34-sano jirkaan weerarka ka dheesha ayaa ku wada guuleysatay abaal-marinta Golden Ball ee xiddigtii ugu fiicnayd tartankaas iyo sidoo kale gooldhalinta tartanka koobka Adduunka dumar ee Golden Boot, waxaana ay halka ugu sarreysa kaga dhammaysatay tartanka abaal-marinta Goal 50 marka la eeg dhanka dumarka.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here