Valverde oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha Barcelona ee ka qeyb galaya kulanka Valladolid… (Yaa ka maqan yaase ku soo baxay?)

0
45

(Barcelona) 28 Okt 2019. Tababare Ernesto Valverde ayaa u yeeray liis ka kooban 18 xiddig ka tirsan kooxdiisa Barcelona, si ay kaga qeyb galaan kulanka habeen dambe Talaadada ah ay kula ciyaari doonaan horyaalka La Liga kooxda Real Valladolid.

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa ku soo dhaweyn doonto garoonkeeda Camp Nou naadiga Real Valladolid, si ay u wada ciyaaraan caiyaar ka tirsan kulamada 11-aad horyaalka la Liga ee xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Messi, Suárez iyo Griezmann ayaa sida dabiiciga ah hogaaminaya liiskan, si la mid ah xiddigaha ciyaartoyda kala ah Sergi Roberto, Carles Aleñá iyo Carles Pérez ayaa waxay ku soo laabteen liiskan.

Laakiin taasi badalkeeda waxaa liiska ka maqan Ousmane Dembélé oo ku seegaya kulanka habeen dambe ee Real Valladolid sababa la xiriira ganaax iyo Arthur Melo oo ku maqan sababa farsamo ee dhanka tababaraha reer Spain ee Ernesto Valverde ah.

Haddaba liiska xiddigaha Barcelona uu ku dhawaaqay tababare Ernesto Valverde ee ka qeyb galaya kulanka habeen dambe Talaadada ah ee kooxda Real Valladolid.ayaa waxay kala yihiin:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here