“U dhaqaaqista kooxda Real Madrid waa wax weyn” – Donny van de Beek

0
67

(Yurub) 04 Agoosto 2019. Xiddiga khadka dhexe kooxda kubadda cagta Ajax ee Donny van de Beek ayaa qirtay in Real Madrid ay xiiseeneyso adeegiisa.

Dhinaca kale laacibka reer Netherlands ee Donny van de Beek ayaa tilmaamay in ku biirista kooxda Real Madrid ay tahay arrin aad u weyn ee cajiib ah.

Mar uu la hadlay saxaafada Donny van de Beek ayaa wuxuu u sheegay:

“Haa, Real Madrid ayaa kala hadashay Ajax Amsterdam inay i shaqaaleysiiso”.

“Haa, wakiiladeydu waxay la xiriireen kooxda Real Madrid, sidoo kale waxay xiriir la sameeyeen Ajax, kama hadli karo wixii intaas ka badan”.

“Qeylada taageerayaasha ay ku codsanayaan inaan joogo kooxda Ajax xili ciyaareed kale, ma ahan wax xun, laakiin u dhaqaaqista Real Madrid waa arrin cajiib ah”.

Donny van de Beek ayaa wuxuu ahaa mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Ajax Amsterdam xilli ciyaareedkii hore, gaar ahaan kaddib markii uu laacibkan si qurux badan isugu muujiyay tartanka Champions League.

Yeelkadeeda, Real Madrid ayaa dooneysa inay la soo saxiixato Van de Beek, sababa la xiriira inay ku adkaatay heshiiska ay ku dooneysay inay kula soo wareegto xiddiga reer France ee Paul Pogba, iyadoo Manchester United ay wali ku adkeysaneyso inaysan ku fasixi doonin adeega laacibkeedan qiimo ka yar 180 milyan euro.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here