Tammy Abraham oo shaaca ka qaaday waxa uu Lampard u sheegay ciyaartoyda inta u dhaxeysay labada qeyb ee kulankii Crystal Palace

0
17

(London) 09 Nof 2019. Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Tammy Abraham ayaa shaaca ka qaaday waxa uu tababarihiisa Frank Lampard u sheegay ciyaartoyda inta lagu gudi jiray qeybta nasashada ee kulankii Crystal Palace.

Chelsea ayaa saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Crystal Palace garoonkeeda Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar ka tirsan kulamada 12-aad ee horyaalka Premier League.

Haddaba shabakada “BBC” ayaa waxay shaaca ka qaaday wareysi uu ciyaarta kaddib bixiyay weeraryahanka kooxda Chelsea ee Tammy Abraham waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxa noogu muhiimsan anaga ahaan Chelsea waa guushii aan ka gaarnay Crystal Palace iyo inaan helnay saddex dhibcood muhiim inoogu ah olalaheena horyaalka Premier League”.

“Frank Lampard ayaa nala hadlay inta u dhaxeeysay labada qeyb ee ciyaarta, wuxuuna inoo sheegay inaan diirada saarno sida aan ku heli leheyn fursado si aan goolal u dhalino”.

“Waan ka war qabnay in Crystal Palace difaacooda aad u fiican yahay isla markaana ay naga hor istaageen wixii aannu doonaynay inaan samayno”.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here