Tababare Zidane oo ka hadlay mustaqbalka xiddigaha Bale iyo James & sidoo kale wararka la xiriirinaya Real Madrid Pogba

0
71

(Madrid) 16 Agoosto 2019. Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay inuu ku xisaabtami doono adeega Gareth Bale xilli ciyaareedkan cusub ee 2019/2020, maadaama ay u badan tahay inuu sii joogo garoonka Santiago Bernabéu xagaagan.

Zidane ayaa horey u sheegay in Real Madrid ay ka shaqeyn doonto sida ay ku iibin laheyd Gareth Bale suuqan xagaaga, iyadoo si weyn lala xiriirinayay inuu ku laabanayo horyaalka Premier League.

Haddaba Zinedine Zidane ayaa kahor ciyaarta ay kaga daah furan doonaan horyaalka La Liga xili ciyaareedkan cusub ee 2019/2020 waxaa wax laga weydiiyay arrinta Bale wuxuuna ku jawaabay:

“Wuxuu umuuqday inuu ka tagayo kooxda, welina halkaan ayuu joogaa, marka waan ku xisaabtami doonaa isaga xili ciyaareedka cusub”.

“Waa ciyaaryahan muhiim ah waxaan rajeynayaa in ciyaartoyda ay howsheyda adag ka dhigi doonaan inaan doorto shaxdeyda”.

Dhanka kaele ninka reer France ayaa wuxuu ka hadlay James Rodriguez oo lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxaha Napoli iyo Atletico Madrid wuxuuna yiri:

“Waan ku faraxsanahay inuu halkaan joogo, wuxuu ku jiraa waqtigiisii ugu fiicnaa, waan isticmaali doonaa dhamaan ciyaartooyda, way ku faraxsan yihiin inay halkan joogaan, anigana sidoo kale”.

Ugu dambeyntii macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu ka hadlay wararka la xiriirinaya Los Blancos inay la saxiixaneyso Pogba wuxuuna yiri:

“Waxaan diirada saarayaa kaliya kulanka beri, waxaana rumeysanahay inaan halkan ku heysto ciyaartooyda ugu fiican”.

“Pogba waa ciyaaryahan Manchester United ah waana inaan ixtiraamno. Waxaan diiradda saarayaa ragga aan halkan ku haysto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here