Tababare Valverde oo shaaciyey liiska xiddigaha Barcelona ee uu kala qeyb-geli doono kulanka barri ee kooxda Levante

0
47

(Barcelona) 01 Nof 2019. Tababare Ernesto Valverde oo shaaciyey liiska xiddigaha Barcelona ee uu kala qeyb-geli doono kulanka barri ee horyaalka La Liga dalka Spain ay ku booqan doonaan naadiga Levante garoonka Ciutat de Valencia.

Liiskan uu ku dhawaaqay Tababare Ernesto Valverde waxaa ka maqan daafaca reer France ee Samuel Umtiti sababa la xiriira dhaawac soo gaaray, halka xiddigaha Carles Aleñá, Moussa Wagué iyo Ousmane Dembélé ay kulankan kaga maqan yihiin go’aan farsamo ee dhanka macalinka reer Spain ah.

Waxaa taasi badelkeeda liiskan dib ugu soo laabtay labada ciyaaryahan ee Arthur Melo iyo Junior Firpo, kaddib markii ay seegeen kulankii la soo dhaafay horyaalka La Liga ay kula ciyaareen kooxda Real Valladolid.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Barcelona uu ku dhawaaqay tababare Ernesto Valverde, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka kooxda Levante ee horyaalka La Liga:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here