Tababare Solskjær oo markii ugu horeysay ka hadlay heshiiska uu Lukaku ugu biiray Inter Milan

0
78

(England) 09 Agoosto 2019. Macalinka reer Norwegian iyo kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa wuxuu xaqiijiyay in heshiiskii uu Romelu Lukaku ugu biiray Inter Milan ay tahay talaabo u wanaagsan dhamaanba dhinacyada kala duwan.

Kooxda Inter ayaa si rasmi ah kula soo saxiixatay weeraryahanka kooxda Man United ee Romelu Lukaku adduun lacageed dhan 80 milyan oo euro.

Wargeyska “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu tababare Solskjær kaga hadlay iibka Lukaku wuxuuna yiri:

“Romelu Lukaku aad ayuu u faraxsan yahay hada, waxaana u maleynayaa in iibinta ay ahayd wax u wanaagsan dhamaanba dhinacyada kala duwan”.

“Waxaan u maleynayaa in fursadaha Mason Greenwood ay yaraan lahaayeen hadii aan u dhaqaaqi laheyn inaan soo iibsano weeraryahan kale, hadda marka uu suuqa dhamaaday dhamaanteen waxaan dareemeynaa xasilooni”.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here