Tababaraha Liverpool ee Jürgen Klopp oo ka hadlay dhaawacyadii xalay soo gaaray Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk

0
31

(Liverpool) 28 Okt 2019. Macallinka kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ka hadlay dhaawacyada xalay soo garay Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk kulankii ay guusha soo laabashada ka gaareen Tottenham.

Jürgen Klopp waxa uu xaqiijiyey in Mohamed Salah uu u bedelay kulankii Spurs dhaawac ka gaaray canqowga, laakiin macallinka Liverpool ayaa rumeysan inaysan arrin weyn ahayn middaas ama dhaawacaasi uusan ahayn mid halis ah.

Lambarka 11-aad ee kooxda Reds ayaa laga saaray dhammaadkii kulankii ay xalay 2-1 uga adkaadeen Tottenham ee ka dhacday garoonka Anfield, kaddib markii uu goolka guusha rigoore ugu dhaliyey 75’daqiiqo, waxaana uu goolkaasi ahaa goolkiisii 50-aad ee uu ku dhaliyo Anfield 58 kulan oo uu ka soo muuqday garoonkan.

Weeraryahanka reer Masar ee Mohamed Salah ayaa la arkayey isagoo ka baxaya garoonka Anfield, markaasoo uu canqowga lugta baraf kaga xirnaa.

Daafaca joogga dheer ee kooxda, Virgil van Dijk ayaa isaguna macallin Klopp waxa uu shaaca ka qaaday inay jug ka soo gaartay qeybta sare ee lugtiisa.

“Virgil waxaa gaaray dhaawac dhimasho lugta ah… (waa marka jilib lagaaga dhufto qaarka sare ee lugta),” Macallin Klopp ayaa sidaas u sheegay Sky Sports kulanka kaddib.

“Mohamed Salah waxaa dhaawac ka gaaray isla canqowgii uu ka dhaawacmay horraantii bishaan, way xanuuntaa marka uu wax badan ciyaaro kulanka” ayuu hadalkiisa ku daray hoggaamiyaha reer Jarmal.

“Ma’ahan arrin weyn, hal maalin ayaa la waayi doonaa, laakiin weli waxa uu dareemayaa xanuun yar waqtigan.”

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here