Taageerayaasha Mo Salah oo careysan kaddib markii xidigga reer Masar laga waayay cajalka cusub ee ciyaar gacmeedka FIFA 20

0
54

(England) 27 Luulyo 2019.   Taageerayaasha xidigga weyn weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool iyo xulka Masar Mohamed Salah ayaa aad uga carooday markii xidiggani aan lagu soo darin ama aan lagu soo sawirin daboolka kore ee cajalka cusub ee ciyaar gacmeedka FIFA 20.

Sawirrada horu dhaca ah ee ay soo bandhigtay shirkadda Mareykanka ah EA Sports ee game-ka FIFA 2020 waxa ay qolofka sare ee ciyaarta PlayStation-ka FIFA 2020 ku soo sawirtay xidigga cusub ee Real Madrid Eden Hazard, halka sidoo kale naqshadda Champions League-na ay ku sawirtay daafaca Liverpool iyo Holland Van Dijk.

Taageerayaasha Salah ayaa aad uga xumaaday  in xidigga ay taageeraan aan sawirkiisa lagu soo dhejin cajalka FIFA 20 qaybtiisa Champions League, weliba isagoo ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa ee Liverpool u hor seeday hanashada koobka Horyaallada Yurub ee sanadkan.

“Maxaa looga illoobay Mohamed Salah daboolka cajalka FIFA 20″ waxaa sidaa yiri taageere careysan, halka mid kalena uu yiri “anigu ma iibsan doono game-kaasi maxaa yeelay waa qalad in Van Dijk lagu soo sawiro Mohamed Salahna uu ka maqnaado”.

Dhanka kale daafaca reer Holland van Dijk oo isna ka hadlay arrintan ayaa yiri “Sharaf ayay ii tahay in la igu soo sawiro daboolka FIFA 20, muddo dheer ayaan ciyaarayay Game-kan inta aan xusuusto, farxad ayaana haatan dareemayaa in anigoo Liverpool u ciyaaraya sawirkaygu ka soo muuqdo cajalka cusub ee FIFA 20”.

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here