Taageerayaasha Arsenal oo NAANEYS CUSUB ula baxay saddexda weeraryahan ee kooxdooda, kaddib imaatinka Nicolas Pepe

0
53

(London) 02 Agoosto 2019. Taageerayaasha kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa NAANEYS CUSUB ula baxay saddexda xiddig ay haatan ku heysato kooxda Gunners weerarkeeda.

Jamaahiirta kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Gunners ayaa u bixiyay saddexda xiddig ee weerarka kooxdooda kaga ciyaari doona laga bilaabo xili ciyaareedka cusub NAANEYSTA ah “PAL”.

Arrintan ayaa waxay imaaneysaa kaddib markii ay Arsenal xaqiijisay saxiixa Nicolas Pepe, waxaana ay ka soo qaateen Lille oo ay ugala soo wareegeen adduun dhan 72 milyan oo gini oo u dhiganta 89 milyan oo dollar.

 Arsenal fans cannot wait to see Pepe, Aubameyang and Lacazette team up to form PAL

Waqtigan la joogo, kooxda reer London ee Arsenal ayaa waxay weerarkeeda ku heysataa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette iyo xiddiga dhawaangalka ah ee Nicolas Pepe.

Yeelkadeeda, Taageerayaasha kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa waxay ka soo qaateen mid kasta oo ka mid ah saddexdan xiddig, xarafka ugu horeeya ee magaciisa, si loogu NAANEYSO saddexda weeraryahan ee “PAL”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here