Somaliland Oo Bogaadisay Dib U Doorashada Raysal Wasaaraha Canada

0
30

(HilaacNews-Hargeysa)-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa bogaadiyey Ra’iisul-wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo ku guulaystay doorashooyinkii toddobaaadkan ka qabsoomay dalkaas.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo ku hadlayey afka Xukuumadda JSL wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitterka.

Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland wuxuu sheegay inuu u hambalyeynayo dib u doorashada Ra’iisul-wasaaraha Canada, oo uu u rajeeyey guul muddo xileedkiisa labaad ee loo doortay.

Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu uga mahadceliyey dawladda Canada, taageerada ay ka geystaan mashaariicda horumarinta Somaliland oo ay Canada ku bixisay 10 Milyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here