Sidee ayey u muuqanaysaa SHAXDA Kooxda Arsenal haddii lagu daro Philippe Coutinho?

0
42

(London) 07 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la wariyey inay ku dhowdahay saxiixa Philippe Coutinho oo ay maah ku soo qaadanayaan, waxaana hadda la shaaciyey sida ay u muuqan karto shaxda Gunners haddii lagu daray xiddigan reer Brazil.

Macallin Unai Emery ayaa horay kooxda ugu soo biiriyey xagaagan Dani Ceballos iyo Nicolas Pepe, Gunners ayaana doonaysa inay weli suuqa kala soo wareegto xiddigo magac leh illaa maalinta ugu dambeeya oo uu xirmayo Khamiista.

Coutinho oo kooxda Barcelona u ogolaan karto xagaagan inuu tago ayaa heshiis amaah ah ugu soo biiri kara kooxda ka dhisan Waqooyiga magaalada London.

Kubbad sameeyahan reer Brazil ayaa dib ugu soo laaban karata Premier League kaddib markii uu ka dhaqaaqay kooxda Liverpool, haddaba sidee ayey u muuqan kartaa Shaxda Arsenal haddii lagu daro Philippe Coutinho.

Haddaba Shabakadda Sports Mole ayaa shaacisay shax ay ka sameysay safka hore ee kooxda Arsenal haddii macallin Emery uu garoonka Emirates keeno Coutinho.

EEG SHAXDA:-

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here