Shirkadda Gadiidka Ee Dhaweeye Oo Ku Guulaysatay Abaal Marinta Somaliland Awards

0
125

(HilaacNews-Hargaysa) Shirkadda Gadiidka Ee Dhaweeye Oo Ku Guulaysatay Abaal Marinta Somaliland Awards.

Adeegga Dhaweeye oo ah adeeg casri ah oo mobile app ah isla markaana aad ku dalbankarto gaadhiga kuugu dhow ayaa ku guulaystay abaalmarintii ganacsiga ugu fiican Somaliland ee loo yaqaan Bussiness of the year award waxana abaalmarinta guddoonsiiyey wasiirka wasaaradda Maalgaashiga ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cawed. Abaalmarintan oo ah mid sannadle ah ayaa waxa qabta Somaliland Awards, waxana sannadkan ku tartamayey saddex ganacsi.

https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Adeegga Dhaweeye waa adeeggii Noociisa ah ee ugu horreeyay ee laga hirgeliyo dalka, isaga oo sameeyay shaqo abuur aad u ballaadhan. Waxa uu shaqo abuur u sameeyay darawalo tiradoodu gaadhasyo 2000 oo darawal, isaga oo isku xidhaya darawalka iyo macmiilka.

https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Adeegga Dhaweeye waxa aad ku dalban kartaa laba hab oo ah in aad applicationka ka dalbato gaadhiga kuugu dhow adiga oo kala soo degaya playstore-ka amaba appstore-ka iyo adiga oo soo wici kara numberka 3000 ee callcentre ka. Dhaweeye Company waxa uu hiigsanayaa in uu noqdo adeegga ugu weyn ee geeska Africa isku xidha macaamiisha iyo darawalada, iyada oo adeeggu ka shaqeeyo hadda 7 Meelood oo geeska Africa ka mid ah. Ugu danbayn adeegga Dhaweeye waxa uu u mahadnaqayaa macaamiisha sharafta leh ee ku xidhan adeegga Dhaweeye isla markaana u coddeeyay ee u gartay in uu noqdo ganacsiga sannadkan ugu fiicnaa.

https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/
https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/
https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/
https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/
https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/
https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/
https://scontent.fhga2-1.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here