Sawirro: Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Beled-Xaawo

0
71

Kismaayo (Hilaac News) – Saraakiisha ciidamada nabad sugida ee maamulka Jubbaland ayaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ku soo bandhigay xubno ay sheegeen inay ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab.

Xubnaha soo goostay oo gaarayey labo ayaa la sheegay inay  isku soo dhiibeen ciidamada Jubbaland ee ka howlgala degmadaasi.

Saraakiisha nabad sugida Juballand ma shaacin magacyada raggan, balse waxa ay sheegeen in xiriir ay la soo sameeyeen taliskooda, kadibna la soo dhoweeyey.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in xubnahaan lagu wareejin doono hay’ada kale ee Jubbaland ee ku shaqada leh.

Weli ma jiro wax hadal oo ah ka soo baxay dhanka Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan raggaasi.

Shalay ayey aheyd markii magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose lagu soo bandhigay sarkaal lagu magacaabo, Maxamed Axmed Maadey oo Al-Shabaab ku biiray 2012-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here