Sawirro: Wasiirka maaliyadda iyo duqa Muqdisho oo saxiixay heshiis ku kacaya $112 Milyan

0
419

Muqdisho (Hilaac News) – Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, midka howlaha guud iyo guddoomiyaha gobolka Banaaidr, ahna duqa Muqdisho ayaa maanta saxiixay heshiis cusub oo ku kacayo 112 Milyan oo Dollar Mareykanka ah.

Heshiiskaan ayaa waxaa la sheegay in lagu dhisi doono magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Garoowe.

Sida uu sheegay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ku dhowaad 28 Milyan oo ka mid ah lacgtaasi waxaa si casri ah loogu dhisi doonaa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mashruucaan uu qeyb ka yahay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda maraya meel wanaagsan.

Dhankiisa Duqa Muqdisho, Cumar Filish oo ka hadlay munaasabadda lagu saxiixay heshiiskaan ayaa sheegay inuu mashruucaan muhiimad gaar ah u leeyahay dalka.

Filish ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay tilaabo xaga hormarka loo qaaday, islamarkaana ay soo dhaweynayaan ka maamul ahaan

Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda howlaha guud ee xukuumadda federaalka, Cabdi Aadan Hoosoow ayaa sheegay in dowladda dhexe ay soo dhoweneyso mashruucaani, islamarkaana ay ka go’an tahay sidii dalka loo sameyn lahaa dib u dhis ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here