Sawirro: Howlgal lagu dilay 20 ka tirsanaa Al-Shabaab oo laga fuliyey Sh/Hoose

0
56

Baydhabo (Hilaac News) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaano cusub oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Danab,  Cismaan Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dileen ugu yaraan 20 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la wareegeen gacan ku heynta tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in howlgalladu ay sii socon doonaan, inta kooxda Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan gobolkaasi.

Xaaladda ayaa saaka ah mid yara degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Maalmihii dambe ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgallada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here