Sawirro: Al-Shabaab oo markale soo bandhigtay 80 ERGO ah oo ay cafis u fidisay

0
57

Baydhabo (Hilaac News) – Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay ku soo bandhigtay ku dhowaad 100 oday oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Odayaashan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 80 oday ayaa waxa ay Al-Shabaab shaacisay inay ka kala yimaadeen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Goobta lagu soo bandhigay odayaashani ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaas oo sheegay in ergadan ay aqaleen baaqoodii, islamarkaana la cafiyey, sida ay hadalka u dhigeen.

Shantii bishan August ayey ayey aheyd markii Al-Shabaab 86 oday dhaqameed ay ku soo bandhigtay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay tilmaameen in ay  ka soo kala  jeedeen maamullada Galmudug iyo HirShabelle.

Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in ay deegaanadeeda iska soo diiwaan geliyeen 159 oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Bayaanka Al-Shabaab ee la xariira ergada ayaa soo baxay 15-kii bishii hore ee July, iyaga oo markaasi u qabtay odayaasha inay isku soo diiwaangeliyaan muddo 45 cisho ah, kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kaceen fal Gaalnimo ah.

Hilaac News
Xafiiska Baydhabo
Admin@hilaacnews.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here