Santiago Solari oo kaga digay xiddigaha Modrić iyo Kroos imaatinka Paul Pogba ee kooxda Real Madrid

0
83

(Madrid) 28 Luulyo 2019. Macalinkii hore kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa kaga digay xiddigaha khadka dhexe Los Blancos ee Luka Modrić iyo Toni Kroos suurtogalnimada uu Paul Pogba ku imaan karo garoonka Santiago Bernabéu.

Zinedine Zidane ayaa wuxuu bar-tilmaameed buuxa ka dhiganayaa inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga xiddiga khadka dhexe kooxda Manchester United ee Paul Pogba si uu ugu xoojisto khadkiisa dhexe, kahor bilaabasha xili ciyaareedka cusub.

Iyadoo ay sidaas jiro ayaa macalinkii hore kooxda Real Madrid ee Santiago Solari wareysi uu ku bixiyay shabakada “ESPN” wuxuu ku sheegay:

“Lasoo saxiixashada Real Madrid ee Paul Pogba waxay noqon doontaa arrin aad u wanaagsan, imaatinkiisana waxaa lagu arki doonaa khadka dhexe tartan aad u weyn, waxayna sababi doontaa in mid ka mid ah magacyada waaweyn uu sugo si uu u ciyaaro”.

“Luka Modrić iyo Toni Kroos ma ahan 20 sano jir, dabcan kooxda ayaa ka fiirsaneysa inay lasoo wareegto ciyaartoy cusub si loo xoojiyo kooxda”.

“Waqti xaadirkan, ma aqaano xulushada u wanaagsan Real Madrid, waxaa jira shaqsiyaad ay tahay in go’aankan ay gaaraan, waxaana filayaa in si wanaagsan ay u sameyn doonaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here