Sadio Mané oo fariin u diray taageerayaasha Liverpool, kaddib markii ay xalay ku guuleysteen koobka UEFA Super Cup 2019

0
73

(Yurub) 15 Agoosto 2019. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Sadio Mané ayaa uga mahadceliyay taageerayaashooda sida ay u garab taagan yihiin, kaddib markii ay guuleysteen koobka UEFA Super Cup 2019.

Kooxda Liverpool ayaa ku guuleystay koobka UEFA Super Cup markeedii afaraad kaddib markii ay xalay rigooreyaal ku garaaceen Chelsea kulankii ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Sadio Mané ayaa kaddib marka ay dhamaatay ciyaartii xalay wuxuu warbaahinta la wadaagay:

“Taageerayaasha sida caadiga ah, waa kuwo cajiib ah sida ay yihiin marka ay Liverpool ciyaarayso”.

“Waxaan heysanaa taageerayaasha adduunka ugu fiican, waxeey noo fududeeyaan waxyaabo mararka qaar, Waxaan mar walba sheegaa, inaan ku ciyaarno 12 ciyaartoy ee la ciyaareysa 11 kale ee kasoo horjeeda”.

“Runtii aad bay muhiim u ahayd inaan guuleysano kulankan, waan ku faaneynaa, waana ku faraxsanahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here