Saddex Qof Oo Ku Geeriyooday Roob Wata Oo Ka Da’ay Magaalada Hargeysa

0
48

(HilaacNews-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa qaybo ka mid ah waxa galabta ka da’ay roob xooggan oo wata dabayl culayskeeda leh, islamarkaana khasaare xoog leh gaysatay oo naf iyo maal ah sababay.

Roobkan sida weyn magaalada Hargeysa looga dareemay ayaa ku xooggana qaybaha Waqooyi ilaa Galbeedka magaalada waxaanu da’ayay muddo ku siman nus saac.

Saddex qof ayaa ku geeriyooday 11 kalena way ku dhaawacmeen roob galabta ka da’ay Hargeysa sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Maroodi-jeex Jaamac Axmed, Halkan hoose ka DAAWO muuqaal laga duubay roobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here