“Ronaldo waa weeraryahankii ugu fiicnaa ee aan abid arko” – Lionel Messi

0
31

(Barcelona) 27 Okt 2019. Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa wareysi uu ku bixiyay warbaahinta gudaha dalka Argentina, wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah.

Lionel Messi ayaa inta uu wareysigan ku gudi jiray wuxuu doortay gooldhaliyaha ugu fiicanaa ee uu arkay xirfadiisa ciyaareed.

Weeraryahanka reer Argantina ayaa sheegay in halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo uu yahay weeraryahankii ugu fiicnaa ee uu abid arkay noloshiisa.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo arrintan ka hadlayay ayaa wuxuu yiri:

Image result for ronaldo brazil and messi

“Ronaldo waa weeraryahankii ugu fiicnaa ee aan abid arko”.

Dhinaca kale Messi ka hadlayay saaxiibkiis hore kooxda Barcelona ee Ronaldinho, wuxuu yiri:

“Wuxuu i soo caawiyay wax badan, waxaan rajeynayay inaan la ciyaaro waqti dheer”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here