Ronaldo oo ka hadlay wararka Neymar la xiriirinaya kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus, isagoo dhinaca kale rajeeyay…

0
83

(Yurub) 30 Luulyo 2019. Cristaino Ronaldo ayaa fariin talo celin ah u diray xiddiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Neymar Jr, kaasoo lala xiriirinayo inuu ku biirayo kooxo dhowr ah ee qaarada Yurub inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Neymar Jr ayaa noqday bar-tilmaameedka kooxo dhowr ah iyadoo maamulka naadiga Paris St Germain ay albaabada u fureen hadii uu doonayo inuu baxo.

Inkastoo xiddiga reer Brazil sidoo kale lala xiriirinayo inuu ku biirayo kooxaha Real Madrid iyo Juventus hadana Cristaino Ronaldo ayaa rumeysan in Neymar uu sii joogi doono garoonka Parc des Princes xilli ciyaareedka soo socda.

Ronaldo ayaa wareysi dheer oo uu siiyay wargeyska Isbaanishka ah ee “Marca” kaddib markii shalay loogu caleymo saaray abaal-marinta “MARCA Legend” caasimadda Spain ee Madrid wuxuu yiri.

“Ma aqaano. Isagu waa ciyaaryahan weyn, xiriir fiican ayaan la leeyahay, waxaa jira hadalo badan oo isaga ku saabsan, ee ah inuu u dhaqaaqayo kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus”.

“Hadalada xanta ah waa shaqada saxaafadda si ay u iibayaan wargeysyada, laakiin waxaan u maleynayaa inuu sii joogayo Paris, hadii aysan sidaas noqonin, wuxuu raadin doonaa meel uu farxad ku dareemayo isla markaana uu naftiisa ku muujin karo”.

“Waxaan rajeynayaa inuu Neymar ka fogaado dhibaatada dhaawaca, sababtoo ah wax badan ayuu la kulmay waana inay walwal gelisaa, waan ka walwalsanahay sababtoo ah waxaan jecelahay inaan arko isaga oo ciyaaraya meelkastoo uu ka ciyaarayo, laakiin waa muhim inuu isagu is daryeelo waana taas waxa aan la doonayo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here