Romelu Lukaku oo barbareeyey Ronaldo kaddib goolashii uu xalay ka dhaliyey horyaalka Serie A

0
14

(Milano) 03 Nof 2019. Labo gool oo soo daahay oo ka yimid Romelu Lukaku ayaa Inter Milan ka caawiyey inay sii joogteeyaan bandhiggooda wacan ee ay xilli ciyaareedkan ku bilowdeen Serie A, waxaana ay xalay guul soo laabasho ay 2-1 ka gaareen Romelu Lukaku.

Guushaas waxa ay ka dhigan tahay inay guul gaareen sagaal kulan 11 kulan oo ay ciyaareen horyaalka.

Waxa ay goolahaasi ahaayeen goolashii uu siddeedaad iyo sagaalaad ee Lukaku uu ka dhaliyey horyaalka Serie A tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Manchester United.

Weeraryahankii hore ee Chelsea iyo Everton ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee sagaal gool ama ka badan dhaliya 11-kiisii kulan ee ugu horreeyey Serie A u dhaliya kooxda Inter tan iyo halyeyga reer Brazil ee Ronaldo oo sidaas u sameeyey xilli ciyaareedkii 1997-98.

Ronaldo Dalima ayaa kal ciyaareedkaas ku dhammaystay 25 gool oo uu horyaalka ka dhaliyey iyo 34 gool oo uu dhaliyey tartammada oo dhan.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here