Rivaldo oo ka hadlay dhaawaca Marco Asensio, muxuuse ka yiri mustaqbalka Gareth Bale ee Real Madrid?

0
52

(Madrid) 27 Luulyo 2019. Halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaaray xiddiga Real Madrid ee Marco Asensio.

Marco Asensio ayaa dhaawac halis ee dhanka Jilibka ah soo gaaray inta lagu gudi jiray kulankii saaxiibtinimo ee Arbacadii dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Arsenal kaasoo ka tirsanaa International Champions Cup, waxaana lagu soo waramayaa inuu jiro dilaac soo gaaray dhanka seedaha jilibka bidix.

Hadaba xiddigii hore kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil oo ka hadlayay dhaawaca Marco Asensio ayaa wuxuu yiri:

Image result for Rivaldo and Bale

“Dhaawaca soo gaaray waxay dharbaaxo xoogan ku tahay kooxda Real Madrid”.

“Marco Asensio wuxuu bilaabay inuu si weyn u ilaashado booskiisa labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay”.

“Laakiin maqnaanshiyaha Marco Asensio ma badali doonto rabitaanka Real Madrid ee ah inay iska iibiso Gareth Bale, hadaladii dhowaan ka soo yeeray Zidane waxay cadeyneysaa inay kooxda sugeyso dalab fiican si looga takhaluso xiddiga reer Wales”.

Yeelkadeeda, 23 jirka heerka caalami ee xulka qaranka Spain Marco Asensio ayaa mari doona qalliin maalmaha soo socda wuxuuna u baahan doonaa muddo soo kabasho ah oo an ka yareen mudo lix bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here