Real Madrid oo guul raaxo leh ka soo heshay kooxda Eibar oo ay booqatay…+SAWIRRO

0
14

(Spain) 09 Nof 2019. Real Madrid ayaa guul raaxo leh ka soo heshay kooxda Eibar oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-3 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 17-aad Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigy weeraryahanka reer France ee Karim Benzema.

20 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Real Madrid ayaa heshay rigoore waxaana gool u bedelay Sergio Ramos, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 0-2.

Laakiin 29 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda Real Madrid ayaa hogaanka dheesha sii dheereysatay waxaana 0-3 ka dhigay Karim Benzema.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay, inkastoo ay Real Madrid ay eheyd kooxda fursadaha ugu badan sameysay.

61 daqiiqo xiddiga kooxda Real Madrid ee Federico Valverde ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-4, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Luka Modric.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-4 ay guusha ku raacday kooxda martida aheyd ee Real Madrid.

SAWIRRO:

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here