“Real Madrid malahan falsafad gaar u ah sida kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid” – Diego Simeone

0
46

(Madrid) 05 Agoosto 2019. Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa sheegay in Real Madrid aysan laheyn falsafad ciyaareed ay qaas kaga tahay kooxaha kale.

Dhinaca kale macalinka reer Argantina ee Diego Simeone ayaa hadalkiisa intaas raaciyay inay ku tiirsan tahay kooxda Los Blancos kaliya xiddigaha iyo tayada si ay koobab ugu guuleystaan.

Simeone ayaa wuxuu aaminsan yahay inay jiraan laba nooc oo kooxaha kubadda cagta adduunka ah, nooca koowaad wuxuu ku sheegay inay heystaan falsafad u gaar ah, sida Barcelona, ​​Ajax, Juventus iyo Atletico Madrid, halka sidoo kale ay jiraan kooxo ay falsafadooda isbadasho, marka la badalo macalinka iyo ciyaartoyda, waxaana ka mid ah Real Madrid.

Hadaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone arrintan kaga hadlay wuxuuna yiri:

“Marka tababaruha yimaado kooxda, waa inaan fahamnaa taariikhdiisa, hadii kale, waxaa jiri doona waqtiyo xun marwalbo”.

“Hadaanan dareemin nuxurka falsafada kooxda, uma dhaqaaqayo naadigaas, waa caafimaad iyo sharaf badan in macalinka uu weydiiyo ugu horeyn waxa ay tahay taariikhda kooxda, kahor inta uusan ogolaanin inuu u dhaqaaqo halkaas, si aad isugu daydid inay is ogolaadaan qaabkaaga qaaska ah iyo falsafadda kooxda”.

“Waxaa jira kooxo leh iskuulo gaar ah sida Ajax, Barcelona ayaa sidoo kale leh, sidoo kale Juventus iyo Atletico Madrid, halka Real Madrid aysan laheyn, sababtoo ah waxay ku tiirsan tahay kartida si ka duwan sidii ay u gaari laheyd himilooyinkeeda”.

“Waxaa sidoo kale jira kooxo casri ah sida Manchester City oo aan laheyn taariikh dhab ah, balse lagu aas-aasay Falsafad gaar ah oo si tartiib tartiib ah ula socota Pep Guardiola”.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here