RASMI: Saddexda ciyaaryahan ee isugu soo haray abaal-marinta laacibka sanadka UEFA oo lagu dhawaaqay… (Miyey ku jiraan Messi iyo Ronaldo?)

0
53

(Yurub) 15 Agoosto 2019. Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ayaa ku dhawaaqay saddexda ciyaaryahan ee isugu soo haray abaal-marinta laacibka sanadka ee UEFA.

Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Virgil van Dijk ayaana isugu soo haray oo ku tartami doona abaal-marinta xiddiga sanadka ee UEFA.

Kabtanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi waxa uu ku guuleystay gooldhalinta UEFA Champions League iyo European Golden Shoe, isagoo sidoo kale kooxdiisa Barca la qaaday horyaalka La Liga.

Weeraryahanka xulka qaranka Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa isaguna qaaday koobka UEFA Nations League, waxaana uu Juventus la qaaday koobkiisii ugu horeysay ee horyaalka Serie A.

Daafaca jooga dheer ee xulka qaranka Netherlands iyo kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa isaguna ahaa xiddiga garoonka ciyaartii Champions League ee uu la qaaday Liverpool, waxaana uu xulkiisa Holland gaarsiiyay final-kii UEFA Nations League.

Laacibka ku guuleysta abaal-marintaan waxaa la shaacin doonaa marka la qabanayo isku aadka wareegga guruubyada Champions League ee 29-ka bishaan aynu ku jirno taasoo lagu qabanayo Magaalada Monaco ee dalka Faransiiska.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kaalimaha ay ku dhammaysteen xiddigaha kale ee la tartamayay saddexdaan laacib iyo dhibacaha ay kala heleen:-

4- Alisson Becker (Liverpool & Brazil) – 57 dhibcood

5- Sadio Mané (Liverpool & Senegal) – 51 dhibcood

6- Mohamed Salah (Liverpool & Egypt) – 49 dhibcood

7- Eden Hazard (Chelsea/Real Madrid & Belgium) – 38 dhibcood

8- Matthijs de Ligt (Ajax/Juventus & Netherlands) – 27 dhibcood

8- Frenkie de Jong (Ajax/Barcelona & Netherlands) – 27 dhibcood

10- Raheem Sterling (Manchester City & England) – 12 dhibcood

Dhinaca kale UEFA ayaa ku dhawaaqday saddexda gabdhood ee dhanka dumarka ku tartami doono abaal-marinta xiddigta sanadka ee UEFA, waxaana ay kala yihiin; Lucy Bronze, Ada Hegerberg iyo Amandine Henry.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here