RASMI: Robert Lewandowski oo qandaraaska u kordhiyey kooxdiisa Bayern Munich

0
66

(Munich) 29 Agoosto 2019. ​Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa heshiis cusub oo waqti dheer qalinka ugu duugay kooxdiisa.

Robert Lewandowski ayaa kooxdiisa reer Jarmal ee Bayern Munich u saxiixay heshiis ku sii hayn doona illaa sanadka 2023-ka.

Bayern Munich ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay: “Robert Lewandowski waa uu joogaa, waxa uu ogolaaday inuu ballaariyo heshiiskiisa Bayern Munich oo uu gaarsiiyo illaa 2023-ka.”

Lewandowski waxa uu Bayern Munich u saftay 246 kulan, waxaana uu u dhaliyey 197 gool.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here