RASMI: N’Golo Kanté oo seegaya kulanka soo aadan ay Chelsea la ciyaari doonto kooxda Burnley

0
36

(London) 25 Okt 2019. Macalinka kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday in N’Golo Kanté uu seegayo kulanka habeen dambe ee ay kooxda Burnley ku wada ciyaari doonaan horyaalka Premier League.

N’Golo Kanté ayaa dhibaatooyin dhowr ah kala kulmay muruqa bowdada, taasoo keentay inuu seego kulamadii ugu dambeysay ee xulkiisa France ay ka ciyaareen isreeb-reebka Euro 2020, sababa la xiriira inuusan wali ka soo kabsanin dhaawacii uu qabay.

Tababare Frank Lampard ayaa sheegay kahor kulanka Champions League oo ay la ciyaarayaan Ajax bartamihii isbuucan, in N’Golo Kanté taam ahaanshihiisa la qiimeyn doono ka hor kulanka sabtida ee ay la ciyaarayaan kooxda Burnley.

28-sano jirkan reer France ayaa maray dhowr jeer baaritaano caafimaad saacadihii la soo dhaafay si loo ogaado inta uu la egyahay dhaawaciisa, laakiin wali lama shaacinin inta ay qaadan doonto mudada uu garoomada ka sii maqnaan doono.

Frank Lampard ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka habeen dambe ee Sabtida ee kooxda Burnley ayaa wuxuu yiri:

“N’Golo Kanté ma ciyaari doono kulanka Burnley, si uu uga soo kabto dhaawaciisa, waxaan u baahanahay adeegiisa, waxaana sugeynaa inuu sida ugu dhaqsaha badan noogu soo laabto”.

Intaas waxaa sii dheer, in tiro dhowr ciyaartoy ah ay seegi doona kulanka Chelsea ee sabtida ay booqan doonaan kooxda Burnley, sababa la xiriira dhaawacyo kala duwan ay qabaan iyadoo ciyaartoyda ugu muhimsan ee kulankan seegaya ay ka mid yihiin Antonio Rudiger, Andreas Christensen iyo Ross Barkley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here