RASMI: Neymar & Vinicius oo ka maqan liiska xulka qaranka Brazil ee wajahaya Argentina… (Yaa kale oo liiskan ku soo baxay?)

0
29

(Turin) 26 Okt 2019. Xiriirka kubadda cagta Brazil ayaa ku dhawaaqay liiskii ugu dambeeyey ee xulkooda kuwaasoo wajahaya bisha November xulalka Argentina iyo Korea, waxaana laga waayey liiska Neymar & Vinicius, iyadoo ay ku jiraan Alisson & Rodrygo.

Goolhayaha Liverpool ee Alisson ayaa dib ugu soo laabtay shaxda xulkiisa qaranka Brazil kaddib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu la maqnaa oo ku soo gaaray kulan ay la dheelayeen Nigeria.

Neymar Jr ayaa laga saaray liiska xulka qaranka Brazil ee ciyaar saaxiibtinimo la ciyaaraya Argentina., Vinicius sidoo kale kuma jiro liiska macallin Tite, halka Rodrygo uu markiisii ugu horreeyay u yeeray, Alves, Everton iyo Allan ayaa iyagana laga waayey liiskan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xulka qaranka Brazil oo dhammaysiran kuwaasoo wajahaya xulalka Argentina iyo Korea:-

Goolhayeyaasha: Alisson, Ederson, Daniel Fuzato

Daafacyada: Danilo, Emerson, Alex Sandro, Renan Lodi, Militao, Felipe, Marquinhos, Thiago Silva

Khadka dhexe: Arthur, Casemiro, Fabinho, Lucas Paqueta, Douglas Luiz, Coutinho,

Weerarka: Neres, Firmino, Jesus, Richarlison, Rodrygo, Willian.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here