RASMI: kooxda Liverpool oo dhameystirtay heshiiskeedii labaad ee suuqan xagaaga

0
54

(England) 28 Luulyo 2019. Liverpool ayaa dhameystirtay heshiiska da’ayarka reer England ee Harvey Elliott, kaasoo ay kala soo saxiixatay kooxda Fulham.

Reds ayaa ku garaacday heshiiska 16 jirkan kooxo ay ka mid yihiin Barcelona Real Madrid iyo Paris St Germain, taasoo ka dhigeysa inay dhameystireen heshiiskoodii labaad ee suuqan xagaaga.

Liverpool ayaa website rasmiga ah ku shaacisay inay dhameystirtay heshiiska xiddiga Harvey Elliott, iyadoo aan shaaca laga qaadin muddada heshiiska aiyo qiimaha uu ku kacay heshiiskan.

harvey-elliott-liverpool

Harvey Elliott wuxuu qeyb ka noqon karaa kooxda Jürgen Klopp ee kulanka saaxiibtinimada ay Axada wada ciyaari doonaan Napoli.

Da’ayarkan reer England ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu kooxda Liverpool u saxiixay heshiis cusub wuxuuna yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku dhawaaqi karo inaan u saxeexay heshiis cusub kooxda Liverpool”.

“Inaan ku biiro kooxda aan taageeri jiray, waa riyo ii rumowday aniga iyo qoyskeyga oo dhan, waa dareen cajiib ah, ma sugi karo ilaa iyo aan ka bilaabayo”.

“Waxaan ku dadaali doonaa inaan kooxda darteed u sameeyo wax walba ee aan awoodo, waxaan dareensanahay in garoonka Anfield uu yahay meesha ugu fiican ee aan ku horumari karo ciyaaryahan ahaan”.

Yeelkadeeda, Harvey Elliott ayaa ah saxiixa labaad ee kooxda Liverpool inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, kaddib markii ay daafaca reer Holand ee Sepp van den Berg kula soo wareegeen qiyaastii 1.3 milyan ginni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here