RASMI: Kooxda Arsenal oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska David Luiz

0
66

 (London) 08 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska daafaca reer Brazil iyo naadiga Chelsea ee David Luiz.

Sida lagu shaacisay website-ka rasmiga ah ee kooxda Gunners, David Luiz ayaa saxiixay heshiiska uu ku yimid Emarats Stadium, iyadoo aan  la shaacinin qiimaha uu ku kacay heshiiskan.

David Luiz ayaa saxiixay heshiis laba sanadood ah, iyadoo xiddiga reer Brazil uu si toos ah qeyb kaga noqon doono qorshaha tababare Unai Emery xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020.

Kooxda Arsenal ayaa dooneysa inay ka faa’idysato khibrada daafaca reer Brazil ee David Luiz. isagoo 524 kulan u ciyaaray kooxihii uu soo maray xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta.

David Luiz ayaa u xiran doono kooxdiisa cusub ee Arsenal maaliyada lambarka 23-aad xilli ciyaareedka soo socda.

Sida ay sheegayaan wararka saxaafadda, heshiiska uu David Luiz ku yimid kooxda Arsenal ayaa wuxuu ku kacay kaliya 8 milyan oo ginni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here