RASMI: João Félix oo ku guuleystay abaal-marinta Golden Boy 2019

0
41

(Yurub) 27 Nof 2019. Xiddiga reer Portugal iyo kooxda Atletico Madrid ee João Félix ayaa ku guuleystay abaal-marita Wiilka Dahabiga ah ee Golden Boy 2019.

João Félix ayaa abaal-maritan ku muteystay kaddib qaab ciyaareedkiisii ​​fiicnaa ee uu la soo qaatay kooxdiisii ​​hore ee Benfica iyo naadiga uu haatan ka tirsan yahay ee Atletico Madrid.

20 jirkan ayaa suuqii xagaaga ee la soo dhaafay wuxuu ugu soo dhaqaaqay kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Atletico Madrid qiimo dhan 126 milyan euro.

João Félix ayaa bandhig fiican ka soo sameeyay kooxdiisii ​​hore ee Benfica xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, kaddib markii uu ku guuleystay inuu dhaliyo 15 gool, wuxuuna caawiyay 7 gool kale.

Ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan weeraryahanka reer Portugal ee João Félix ayaa wuxuu u ciyaaray kooxda Atletico Madrid 13 kulan, wuxuuna u dhaliyay 3 gool.

João Félix ayaa kaddib codeyntii la bixiyay wuxuu ka helay 332 cod, wuxuuna abaal-marintan ku garaacay xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho oo kaalinta labaad galay kaddib markii uu helay 175 cod, sidoo kale laacibka kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz, kaasoo isna helay 75 cod, iyo xiddiga RB Salzburg ee Erling Braut Haaland, kaddib markii uu bandhig fiican ka sameeyay kooxdiisa wuxuuna helay 74 cod.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here