RASMI: Inter Milan oo dhameystirtay heshiiska Alexis Sanchez

0
51

(Milano) 29 Agoosto 2019. Kooxda Man United ayaa ku shaacisay boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka in Alexis Sanchez uu ku biirary naadiga Inter Milan.

Manchester United ayaa shaaca ka qaaday in Alexis Sanchez uu ugu dhaqaaqay kooxda Inter Milan heshiis amaah ee ah ilaa iyo 30-ka Juun 2020.

Kooxda Red Divals-ka ayaa waxay u rajeysay Alexis Sanchez inuu ku guuleysto waayihiisa cusub naadiga Inter Milan ee dalka Talyaaniga.

Alexis Sanchez ayaa shalay gaaray magaalada Milan, isagoo tijaabada caafimaadka kaga gudbay si guul ah, wuxuuna ugu dambeyntii qaab amaah ah ugu biiray Inter, kadib muddo dheer uu ku soo dhibtooday Red Devils.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here