RASMI: Barcelona oo shaacisay inuu ka tagay mid ka mid ah xiddigaheeda kuna biiray Koox cusub

0
107

(Spain) 27 Luulyo 2019. Kooxda Barcelona ayaa ku shaacisay boggeeda rasmiga ah in daafaca reer Belgium ee Thomas Vermaelen uu ku biiray naadiga reer Japan ee Vissel Kobe.

Thomas Vermaelen ayaa kooxda Vissel Kobe kula biiray xiddigaha Andrés Iniesta, Sergi Samper iyo David Villa kuwaasoo u soo ciyaaray Barcelona hadana qeyb ka ah kooxdan reer Japan.

Hadalkan ka soo yeeray kooxda Barcelona ayaa wuxuu imaanayaa qiyaastii saacad ka hor kulanka saaxiibtinimo ay ciyaari doonto Blaugrana, kaasoo qeyb ka ah ciyaaraha saaxiibtinimo ay ku ciyaari doonaan Asia.

Qoraalka ay ku xaqiijisay kooxda Barcelona bixitaanka Thomas Vermaelen ayay ku sheegtay in xiddigan uu si rasmi ah ugu biiray naadiga reer Japan ee Vissel Kobe.

Thomas Vermaelen ayaa u ciyaaray kooxda Barcelona 53 kulan oo rasmi ah, wuxuuna u dhaliyay 1 gool, tan iyo markii uu yimid sanadkii 2014-kii, isagoo dhinaca kale kula guuleystay 9 koob, 4 jeer ee ah horyaalka La Liga ee dalka Spain, Champions League oo 1 jeer ah, 3 jeer oo Copa del Rey ah iyo Club World Cup oo hal mar ah

Ka tagista Vermaelen ee kooxda Barcelona ayaa waxay imaaneysaa kaddib markii uu soo idlaaday qandaraaskiisa 30-ka bishii June ee lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here