RASMI: Arsenal oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska daafaca kooxda Celtic ee Kieran Tierney

0
40

 (London) 08 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa shaacisay inay dhameystirtay heshiiska daafaca garabka bidix reer Scotland ee Kieran Tierney, kaasoo kaga soo biiray naadiga Celtic.

Kooxda reer London ayaa waxay si rasmi ah ugu shaacisay website-keeda iyo boggaga ay ku leedahay baraha bulshada ee Facebook iyo Twitter inay dhameystirtay heshiiska Kieran Tierney, wuxuuna qalinka ku duugay heshiis ilaa iyo 2024.-ka ah.

Daafacan reer Scotland ayaa saxiixay heshiis muddo 5 sano ee hada soo aadan ku sii heyn doono Emarats Stadium, kaddib wada hadalo mudo dheer ee suuqan xagaaga u soo socday labada kooxood ee Arsnenal iyo Celtic, kaasoo si guul ah ku dhamaaday daqiiqada ugu dambeeyay kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga ee dalka England.

Shabakada BBC-da ayaa soo warisay in Celtic ay ugu dambeyntii ogolaatay inay fasaxdo daafaceeda Kieran Tierney, kaddib markii ay ogolaadeen dalabkii saddexaad ay ka soo gudbisay Arsenal ee ah 25 milyan ginni.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here