Rashford oo ka warbixiyay faa’iidooyinka tababare Solskjær, isagoo dhinaca kale isbar-bardhig ku sameeyay Mourinho iyo van Gaal

0
38

(Manchester) 11 Agoosto 2019. Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa dareensan in ugu dambeyntii ay xaalada si caadi ah ku soo laabtay, kaddib muddo xasilooni darro ah ay ku soo jiray kooxda Red Divals.

Inkastoo uu amaanay saameynta ay ku yeesheen bilawga xirfadiisa ciyaareed macalimiintii hore ee kooxda Manchester United Louis van Gaal iyo Jose Mourinho, balse wuxuu dareensan yahay in Ole Gunnar Solskjær uu ku guuleystay isku dheelitirka ugu habboon.

Kahor kulanka horyaalka Premier League ay maanta ku wada ciyaari doonaan kooxaha Manchester United iyo Chelsea garoonka Old Trafford ayuu Rashford sheegay:

Image result for Rashford, Van Gaal, Jose Mourinho and Solskjær

“Waxaan ka bartay waxyaabo kala duwan tababarayaal kala duwan”.

“Markii aan ka hoos shaqeynayay van Gaal, xaalada waxay iigu fiicneyd inaan helo tababare isaga oo kale ah, wuu ii dulqaatay oo wuxuu i siiyay waqti aan ku barto ciyaarta, mana jirin tilmaamo badan oo la ii soo jeediyay”.

“Kaddib waxaa yimid Jose Mourinho, waxaan dareemayaa in dhamaanteen isaga aan la fahamnay qaabka ciyaarta, gaar ahaan dhanka daafaca”.

“Hada waxaan ka hoos shaqeynaa tababare Solskjær, waxaan isku dayeynaa in labada qaab ciyaareedba aan isku helno, isla mar ahaantaas wuu ogyahay waxa kooxda ay tahay, sidaas darteed wuxuu awoodaa inuu fariimihiisa nala soo wadaago”.

“Aniga ahaan, waxay ila tahay in xaalada ay caadi kusoo laabatay, taasina waa waxa ugu muhiimsan”.

“Ma haysan xasillooni badan, waxaan u malaynayaa in xaalada aan si fudud ku soo celinay”.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here